session uppdatera gms varning förnya
Vill du stanna kvar på sidan?
Du har varit inaktiv i en längre stund och kommer att bli utloggad om du inte väljer att stanna kvar på sidan.
Automatisk utloggning sker om cirka
Stanna kvar på sidan
Problem med nätverket
Inget internet. Kontrollera din nätverksanslutning.
Tillfälligt tekniskt fel

Af-soomaali (somaliska)

Hay'adda arrimaha waxbarashada [CSN] waa hay'adda maaraysa taageero-dhaqaaleedka waxbarashada ee dalka Iswiidan, sida taageero-dhaqaaleed iyo daymaha waxbarashada darteed la heli karo. Waxaan kaloo maamulna daymaha kharashka kaarka ruqsadda baabuur-wadista iyo dib u bixinta daymaha qalabaynta guryaha (hemutrustningslån). Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo taageerada kala duwan ku saabsan. Warbixinta af-soomaaliga ku qoran waa mid guud.

Ku cusub Iswiidhan, qaxootina ah

Iswiidhan ma waxaad u timid qaxooti ahaan? Halkan waxaa ku jira macluumaad loogu tala galay adigaaga qaxootiga ah ama guudmaanka u ah canug waddanka kaligiis yimid.
Ku cusub Iswiidhan

Taageero dhaqaale oo waxbarasho – kaalmo dhaqaale iyo deyn loogu tala galay waxbarashada

Ma tahay muwaadin ajnabi ah?

Adigaaga ah muwaadin wadan kale u dhashay xaq waad u yeelan kartaa taageero dhaqaale oo waxbarasho oo iswiidhish ah haddii aad buuxineysid shuruudaha qaarkood. Haddii aad sharci degganaansho oo joogto ah (PUT) leedahay, deggantihidna Swiidhan xaq baad badanaa u leedahay kaalmo dhaqaale oo waxbarasho oo swiidhish ah.

Haddii aad Laanta qaxootiga ka heshay sharci degganaansho oo waqti go’an ah iyadoo ay sababtu tahay xaalad qaxootinnimo ama wax u eg, xaq baad sidoo kale badanaa u leedahay taageero waxbarasho oo iswiidhish ah. Laakiinse ka megengelyo doon ahaan xaq uma lihid taas.

Marka intaas laga reebo waxaa jira xeerar kala duwan iyadoo ku xiran in aad u dhalatay waddan ka mid ah waddamada Midowga Yurub/Iskaashiga dhaqaalaha ama Swiizerland ama waddan kale.

Taageerooyinka dhaqaale ee waxbarashada ee kala duduwan

Waxaa jira taageero waxbarasho oo kala duwan oo ku kala xiran waxa aad baraneysid iyo da'daadu inta ay tahay. Waa kuwan kuwa caadiga ahi:

Caawimaad dhaqaale oo waxbarasho - taageero dhaqaale oo loogu tala galay adigaaga wax ka barta dugsiga sare ee jira 20 sanno ama ka yar

Haddii aad dhigatid dugsiga sare waxaad heli kartaa caawimaad waxbarasho ilaa iyo xilli dugsiyeedka guga ee sannadka aad buuxineysid 20 sanno. Caawimaadda waxbarashadu waxay ka koobantahay kaalmooyin kala duduwan, tusaale ahaan kaalmo waxbarasho iyo gunno dheeraad ah. Gunnada dheeraadka ah waa kaalmo aad adigu raadsan kartid haddii qoyskaaga dakhligiisu uu hooseeyo.

Waxyaabo warbixin ah oo loogu tala galay adigaaga heysta dhalashada wadan kale

Lacag waxbarasho – kaalmo iyo amaah waxbarasho

Lacagta waxbarashadu waxey ka koobantahay qeyb kaalmo ah iyo qeyb deyn ah. Waxaad lacag waxbarasho codsan kartaa laga billaabo xilli dugsiyeedka deyrta ee sanadka aad buuxineysid 20 sano. Haddii aad dhigan doontid waxbarasho ka dambeysa dugsiga sare, tusaale ahaan jaamacad, waxaad codsan kartaa lacag waxbarasho xitaa haddii aad ka yartahay 20 sanno. Amaahda waxbarasho waa khasab in aad dabadeed dib u bixisid.

Waxyaabo warbixin ah oo loogu tala galay adigaaga heysta dhalashada wadan kale

Taageerada waxbarasho billaabidda – loogu tala galay adigaaga shaqa la’aanta ah

Taageerada billaabidda waxbarashada waxaa loogu tala galay adigaaga bilaa shaqada ahaa wakhti dheer ee u baahan dhigashada dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare si aad u hesho shaqo. Waa kaalmo aad heli kartid ugu badnaan 50 toddobaad haddii aad wax barato wakhti buuxa.

Waxyaabo warbixin ah oo loogu tala galay adigaaga heysta dhalashada wadan kale

Taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka (omställningsstudiestöd)

Loogu talagalay qofka ku sugan nolosha shaqaysashada.

Taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka waa taageero-dhaqaaleedka waxbarashada dadka waawayn oo muddo shaqaysan jiray. Haddii aad haysato taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka, wax ayaa baran kartaa waxaana xoojin kartaa karti-xirfadeedkaaga, taasoo ku suurtagelin doonto inaad xoojiso booska aad suuqa shaqada ku leedahay. Waxaad kororsan kartaa aqoon ku saabsan xirfadaada ama waxaad baran kartaa xirfad cusub.

Taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka wuxuu ka kooban yahay deeg iyo dayn. Inta lagu siin karo iyo inta aad amaahan karto waa hadba daqligaaga. Qaybta deeqda waa boqolkiiba 80 ee mushaharkaaga, ilaa inta ugu badan. Haddii aad doonayso waxaad ku dhamaystiri kartaa dayn. Taageerada waxaa lagu siin karaa muddo ka kooban 44 toddobaadyo, ka badan haddii nur wakhti aad wax barato.

Waa kan dhawr ka mid ah shuruudaha taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka lagu bixiyo:

  • Da`daada waa in ay dhaxayso 27–62 sano.
  • 14 sannadood ee ugu dambeeyeen waa in aad soo shaqaysay ugu yaraan 96 bilood (isku-darkii 8 sano).
  • 24 bilood ee ugu dambeeyeen waa inaad ugu yaraan 12 bilood ka soo shaqaysay.
  • Waxaad dhigan kartaa kororso sare u qaadi doonto fursadda shaqo helista.

Waxaa kaloo jiraan dhawr shuruudo u baahan in la buuxiyo.

Adigoo isticmaalayo [Mina sidor] barta internetka csn.se ayaa codsan kartaa taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka. Arjiga af-iswiidish ayuu ku qoran yahay. Fursadda codsashada waxay sannad kasta jirta laba jeer, mid waxaa looga talagalay koorsooyinka bilawda xilliga dayrta halka tan kale loogu talagalay koorsooyinka bilawda xilliga gu`ga.

Sannad kasta miisaaniyad xadadan ayaa loo qondheeyay taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka. Taasoo macneheeda ay tahay in qof kasta oo codsado aan la siin karin taageerada, xitaa haddii qofku u buuxiyo shuruudaha lagu qaato. Codsiyada waxaa loo kala mudnaan siiyaa hadba sida taariikhda la soo diray u kala horeeyaan.

La xiriir ururka taageerada waxbarashada [omställningsorganisation] ee xilliga kala-guurka ee aad ka tirsan tahay. Waxaad lacag la`aan kula tali karo La taliyeha xirfadaha iyo waxbarashada waxaana laga caawini karaa caddayn in tababarka u kaalin ka geysan doono sidii aad shaqo si fudud suuqa shaqada ugu heli lahayd. Xaaladaha qaarkood waxay dhamaystirid darteed ku siin karaan taageero-dhaqaaleed waxbarashada. Haddii aadan garanayn ururka taageerada waxbarashada oo aad ka tirsan tahay, waydii shirkadda aad u shaqayso ama ururka shaqaalaha ee aad ka tirsan tahay.

Warbixin dheeraad ku saabsan taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka aqriso (af-iswiidish)

Warbixin dheeraad ku saabsan taageerada waxbarashada ee xilliga kala-guurka aqriso (af-ingriisi)

Dib u bixinta deynta waxbarashada

Haddii aad wax ku baratay Deynta waxbarashada (Studielån) ee ay bixiso Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN], waxaad bilaabaysa dib u bixinta deynta, markii aad hakad geliso ama aad waxbarashada Deqda/deynta waxbarashada [Studiemedel] ka qalin-jebiso. Nidaamku waa sidaas xitaa haddii shaqolaawe aad tahay, aad ku nooshahay Lacagta waalidiinta (föräldrapenning) ama dal dibadda ku yaallo u guurto. Halkaan ka aqriso warbixin ku saabsan dib u bixinta deynta iyo talaabada aad ka qaadi karto haddii dhibaato ay ka hayso dib u bixinta deynta.

Dib u bixinta deynta waxbarashada

Dib u bixi deynta qalabaynta guryaha (hemutrustningslån)

Tan iyo bisha diseembar 2021 waxaa arrimaha daymaha qalabaynta guryaha (hemutrustningslån), ee qaxootida degmoouyinka lagu qaabilo, maarayn jirtay Hay'adda arrimaha waxbarashada [CSN]. Laga bilaabo 1 jannayo 2022 suurtagal ma noqon karto codsashada Deynta qalabaynta guryaha (hemutrustningslån), taasoo ah go'aan u baarlamaanka dalka Iswiidan u arrinta ka gaaray.

Laakinse dib u bixinta Deynta qalabaynta guryaha (hemutrustningslån) waxaa, sidii berri hore maarayn doonto Hay'adda arrimaha waxbarashada [CSN]. Taasoo macneheedu ay tahay inaad sidii berri hore dib u bixin doonto daymaha lagugu leeyahay, waa haddii berri hore aad qaadatay Deynta qalabaynta guryaha (hemutrustningslån). Haddii dhibaato ay ka haysato dib u bixinta, waxaa muhim ah inaad noola soo xiriirto oo aan kaddib wadajir xal ugu helno dhibaatada jirta.

Waxaad lacag ka amaahan kartaa CSN (hey'adda kaalmaynta waxbarashada) si aad u qaadan karto kaarka wadista gaadiidka (leesinka baabuur wadidda) ee nuuca B. Haddii uu qofka heysto leesinka baabuur wadidda waxaa u fududaaneyso in uu shaqo helo.

Waxaan dalban kartaa in aad amaahato lacagta lagu qaato leesinka baabuur wadidda haddii aad tahay

  • Qof ey da’diisu u dhexeyso 18 iyo 47 sano, tahay shaqo la’aan soona buuxinaysid shuruudaha qaar ama
  • 19–20 sano lehna shahaadada dugsiga sare ama mid u dhiganta.

Ugu badnaan waxa aad amaahan kartaa 15 000 koron. Amaahda waa in aad adigu dib usoo celisaa, oo waa in aad xitaa taas samaysaa hadii aadan qaadan kaarka wadista gaadiid (leesinka baabuur wadidda).

Nala soo xiriir

Marka aad nala soo xiriireysid waxaad jawaab ku heli kartaa iswiidhish ama ingiriis.

Su’aalo ku aaddan xaqa taageerada waxbarashada iswiidhishka

Wixii ku saabsan xaqa taageerada waxbarashada iswiidhishka nagala soo xiriir

Isniin-jimco, 9.00-12.00

+46 771 276 300

Fur foomka e-mailka

ebrev@csn.se

Caadi ahaan waxaan ku soo jawaabeynaa 3 maalmood oo shaqo gudohood

Su’aalo ku aaddan taageerada waxbarashada

Wixii ku saabsan waxbarasho nagala soo xiriir

isniin-jimco, 9.00-16.00

+46 771 276 000

Fur foomka e-mailka

ebrev@csn.se

Caadi ahaan waxaan ku soo jawaabeynaa 3 maalmood oo shaqo gudohood

Su’aalo ku aaddan dib u soo celinta lacagta waxbarashada

Wixii ku saabsan lacag dib u soo celinta nagala soo xiriir

Isniin-jimco, 9.00-13.00

+46 771 276 000

Fur foomka e-mailka

ebrev@csn.se

Caadi ahaan waxaan ku soo jawaabeynaa 3 maalmood oo shaqo gudohood

Su’aalaha ku saabsan amaahda lacagta guriga alaab dhigashada

Wixi ku saabsan amaahda lacagta guri alaab dhigashada nagala soo xiriir

Isniin-jimco, 9.00-12.00

+46 771 276 100

Fur foomka e-mailka

hemutrustningslan@csn.se

Caadi ahaan waxaan ku soo jawaabeynaa 3 maalmood oo shaqo gudohood

Su’aalaha ku saabsan deynka leysinka darawalnimada

Wixii ku saabsan leysinka darawalnimada nagala soo xiriir

Isniin-jimco, 9.00-12.00

+46 771 276 000

Fur foomka e-mailka

Caadi ahaan waxaan ku soo jawaabeynaa 3 maalmood oo shaqo gudohood

Updated: 2024-09-09
Did this page help you?